Wararka ka imaanaya gobolka Lamu ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada saliibiyiinta Kenya ay ku leeyihiin gobolka Lamu, Iyagoona Allaah fadligii cagta mariyey xerada, islamarkaana dilay, nolosha ku qabtay ciidamo dhowr ah, halka Ciidamadii kalana ay goobta iskaga firxadeen .
Xerada la weeraray ayaa ku taalla deegaan lagu magacaabo Takhsiile oo ka tirsan gobolka Lamu, waxaana la sheegay in ciidamada Kenya ay halkaasi soo degeen muddo kooban ka hor.
Ciidamada la weeraray ayaa ahaa ciidamo ka tirsan Military-ga Kenya gaar ahaan kuwa qaabilsan la dagaalanka Mujaahidiinta ka howlgala Keymaha Booni, ayaa la sheegay in ay ahaayeen ciidamo guur guura oo aanan laheyn saldhig toos ah, iyadoona muddo ku sugnaadan deeganada la geeyo ka dibna dib uga soo baxa.
Maalma ka hor ayaa ciidamadan la keenay deegaan lagu magacaabo Takhsiile, halkaas oo lagu geeyey diyaarado hilicopters ah, iyagoona halkaasi ka sameeystay xero Ciidan oo muddo maalmo ay daganaayeen.
Allaah fadligii, ciidamada Mujaahidiinta oo ka war hayey dhaq-dhaqaaqooda ayaa shalay kala dul dhacay weerar ballaaran, iyagoona cagta mariyey xerada, islamarkaana halkaas ku dilay ugu yaraan 10 askari.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ugu yaraan saddex askari oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaas oo looga cararay xerada.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna soo ganiimeysteen wixii hub iyo agab ahaa ee cadowga u yaallay halkaasi, iyagoona ugu dambeyntii dib ugu gurtay goobta.
Saraakiil u hadashay ciidamada Kuffaarta Kenya ayaa xaqiijiyey weerarkan lagu qaaday ciidankooda, balse wey ka gaabsadeen in ay ka hadlaan khasaaraha ciidankooda ka soo gaaray weerarkaasi.
Saraakiisha iyo madaxda dowlada Kenya ayaa badanaa looga bartay qarinta khasaaraha lixaadka leh ee ciidankooda ka soo gaara weerarada Mujaahidiinta.
Weerarkani ayaa ku biiraya weeraradii ugu cuslaa ee muddooyinkani ka dhaca gobalka Laamuu, iyadoona dhawaan howlgal ay Mujaahidiinta ka fuliyeen isla gobalkani lagu dilay 20 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya.
Xigasho Idaacadda Islaamiga Andalus.
Calamada.com