Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dagaal culus ku qaaday saldhig weyn oo maleeshiyaatka Xukuumada Ridada Kaabul ay ka sameysteen degaan hoostaga degmada Dah-yak oo ka tirsan Wilaayada Gazni ee Bartamaha dalka Afghanistan.
Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa khasaara culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Xukuumadda Daba dhilifka Kaabul,iyadoo ugu dambeyntii ciidamada Mujaahdiiinta Dhaalibaan ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta saldhigaasi.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 30 isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Murtad Ashraf Gani.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa dagaalkan ku qaniimeystay Sagaal gaari oo isugu jira noocyada kala duwan ee dagaalka waxeyna sidoo kale gacanta ku dhigeen hub kala duwan,iyagoona dhanka kale dagaalkaasi ku gubay ku dhawaad Toban gaari oo uu lahaa maamulka Ridada Kaabul.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan deegaan ka tirsan Wilaayada Meydan Work ee bartamaha dalkaasi ay kusoo rideen mid ka mid ah diyaaradaha duuliye la aanta oo ay leedahay dowlada Saliibiyadda Mareykanka taasi oo xilligii lasoo ridayay ku howlaneed howlo basaasnimo ah.