Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar culus oo dhabba gal ah la beegsadeen kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Ridada.
Kamiinkan waxa uu si gaar ah kaga dhacay tuulada Bululow oo hoostagta degmada Afgooye kaasi oo si aad ah loogu xasuuqay maleeshiyaatka kooxda Ridada Somalia.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta waxey weerarkan ku dileen (24) Afar iyo Labaatan askari oo ay ku jiraan saddex sarkaal, Waxeyna ku dhaawaceen (32) Soddon iyo Labo askari oo ah isla kuwa Murtadiinta.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxey howlgalkan ku gubeen tiro gaadiid ah waxeyna soo ganiimeysteen hub fara badan iyo agabyo kale oo ah kuwa ciidanka.
Kolanyadan kamiinka loo dhigay sida aadka ahna loo xasuuqay ayaa shaqo ka dhigtay in habeenkasta kasoo baxaan degmada Afgooye kuna socdaalaan tuulada iyo hareeraheeda balse waxey caawa la kulmeen weerarkan kaasi oo u dhacay sidii loo qorsheeyay laguna xasuuqay cadowga allaah ee Murtadiinta ah.
Calamada.com
Asc