Inka Badan Soddon Askari oo ka tirsan Maleeshiyaatka Maamulka Daba Dhilifka Kaabul Ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar Culus Oo Ka Dhacay Bartamaha Dalka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan Ayaa weerar culus ku qaaday Labo Saldhig oo maleeshiyaatka Maamulka Ridada Kaabul ay ka sameysteen Wilaayada Aruzjan oo dhacda bartamaha dalkaasi.
Labadan Saldhig ee ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan weerarada culus ay ku qaadeen ayaa ku wada yaala gudaha degmada Tarinikot ee Wilaaada Aruzjan waxaana labadaasi saldhig ka dhacay dagaallo xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa Kala duwan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa ugu dambeyntii dhulka la simay Dhismayaasha Labadaasi Saldhig,waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar fara badan oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashraf Gani.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan (20) Labaatan askari laguna dhaawacay Toban kale kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka Ridada Kaabul.
Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa gacanta ku dhigay Qaniimo fara badan oo isugu jirta gaadiid iyo hub oo goobaha dagaalka ay kaga carareen haraadigii maleeshiyaatka Xukuumadda Kaabul ee looga itaal roonaaday dagaaladaasi.