Weerar Lagu Dilay Askar Ka tirsan Maamulka Ridada Kaabul Laguna Gubay Gaadiid Dagaal ayaa ka dhacay Bariga Dalka Afghanistan.
Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa xaqiijinaya in weerar culus oo khasaara xoogan lagu gaarsiiyay Xukuumadda Kaabul uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wilaayada Baktika oo dhacda Bariga dalka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah Afghanistan ayaa weerarkan culus si gaar ah ugu qaaday Saddex Fariisin oo maleeshiyaatka Ridada Kaabul ay ka sameysteen Deegaanka Sarwandi oo ka tirsan Wilaayada Baktika.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gabi ahaan Cagta Mariyay Saddex—daasi Fariisin waxeyna ku dileen inka Baan Sideed ka tirsan Maleeshiyaatka Kaabul waxeyna nolasha ku qabteen Afar askari oo isla Ridada Kaabul ah.
Sidoo kale Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan waxey dagaalkan ku gubeen Saddex gaari oo ah noocyada kala duwan ee Gaadiidka dagaalka, Waxeyna iyagoo bad qaba gacanta ku dhigeen Saddex gaari kale iyo hub fara badan oo ay ka carareen Maleeshiyaatka Ridada Kaabul.