Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah dalkaasi uu ka dhacay weerar khasaara dhaliyay.
Weerarka oo ahaa mid dhabba gal ah waxaa loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada maamulka daba dhilifka dalka Burkina Faso kuwaasi oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi dhabba galka ah waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Xukuumada Burkiina Faso kuwaasi oo sidoo kale laga qaatay Labo qori oo AK47 ah oo ay ku hubeysnaayeen Labadaasi askari ee kamiinka lagu dilay.
Dhanka kale qarax miino ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Maali kuwaasi oo ku Roondeynayay qeybo ka mid ah gobalka Gawa ee dhaca dhanka Waqooy Bari dalkaasi.
Miinada ayaa haleeshay gaari Tikniko ah oo qeyb ka ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada Roondada ku jirtay taasi oo gabi ahaan burburisay gaariga,waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay gaarigaasi ay miinada burburisay.
Labadan Weerar ee ka kala dhacay dalalka Burkino Faso iyo Maali waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Mujaahidiinta Jamaacada u gargaaridda Islaamka Iyo Muslimiinta oo ah Mujaahidiin ka dagaalanta dalka Maali iyo dalalka dariska la ah waana Mujaahidiin taabacsan Mujaahidiinta Alqaacidah ee dhulka Bilaadul Magribil Islaam.
Calamada.com