Wararka ka imaanaya Dalka Yemen ayaa sheegaya in Mujaahidiinta Al Qaacida ee Jaziiratul Carabta Saacadihii la soo dhaafay weerar qarax ah la beegsadeen gaadiid ay la socdeen Maleeshiyaadka Ridada ee loogu yeerro “Xizaamul Amni” kuwaasi oo ay maamusho Dowlada Cdowga ah ee Imaaraadka Carabta .
Weerarkan waxa uu ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo “ Al Maxfad” oo ka tirsan Wilaayada Abyan ee Dalka Yemen.
War kooban oo lagu faafiyay Baraha Internet-ka ee Mujaahidiinta Al Qaacida ee Jaziirada Carabta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay Labo askari oo tirsan maleeshiyaadkii la beegsaday, halka sidoo kalana lagu dhaawacay Mid kale.
Sidoo kale Mujaahidiinta Al-qaacidah ayaa weerarkan ku burburiyay gaarigii qaraxa ay la beegsadeen kaasi oo ay la haayeen Maleeshiyaatka Ridada Xizaamul Amni.