Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisin maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen deegaanka Bilaal oo horay loo aqooni jiray deegaanka Buufow oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelada hoose.
Goobta fariisinka ah waxaa ka dhacay dagaal muddo kooban socday,iyadoona ugu dambeyntii maleeshiyaatka dowlada ay isaga carareen goobtaasi fariisinka u aheed.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada,waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay qarax ka dhacay deegaanka Owdiinlle ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay lagu gubay Gaari Uuraal ah laguna dilay Soddon askari oo ah ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Calamada.com