Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobalka Baay waxey sheegayaan in weerar qorsheysan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka degmadaasi.
Weerarka oo ahaa mid dhabba gal ah waxey ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab la beegsadeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa maamulka Ashahaado la dirirka Shariif Sakiin kuwaasi oo kasoo baxay degmada islamarkaana doonayay iney dhac Hantiyadeed iyo dilal kula dhaqaaqaan dad shacab ah oo ku dhaqan Tuulooyin u dhaw degmada Diinsoor.
Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa weerar kala hortagay markii maleeshiyaatka ay kasoo baxeen degmada Diinsoor,waxaa halkaasi ka dhacay dagaal muddo socday.
Inta la xaqiijiyay Kamiinkaasi waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen Saddex askari Lix kalane weey ku dhaawaceen kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka isku magacaabay Konfur Galbeed,waxeyna ciidamada Mujaahidiinta gabi ahaan ka hortageen dhibaatooyinkii ay maleeshiyaatka Shariif Sakiin la doonayeen shacabka ku nool Tuulooyinka hoostaga degmada Diinsoor.
Calamada.com