Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu beegsaday maleeshiyaad daacad u ahaa maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday goob isbaaro utiillay maleeshiyaadka dowladda meel qiyaastii 6Km ujirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku dileen 2 askari ayna ka furteen hubkii ay wateen, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in deegaankii lagu dagaallamay ay si buuxda umaamulayaan ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Ma ahan markii ugu horraysay oo maleeshiyaadka maamulka ‘Hirshabelle’ weerar khasaara dhaliya lagula beegsado deegaannada dhaca duleedka magaalada Jowhar ee Sh/dhexe.