Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaat ka tirsan kuwa Maamulka gaala raaca Axmed Madoobe oo dhaqdhaqaaqyo ka waday agagaarka deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Kamiinkan oo markii dambe isku badalay dagaal muddo kooban socday ayaa khasaara nafeet lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta.
Inta la xaqiijiyay Weerarkan waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtad Axmed Madoobe waxaana lagu dhaawacay Shan kale oo isla maleeshiyaatka Ridada ah.
Kamiinkan ayaa kusoo aadayaa xilli Saacadihii lasoo dhaafay qaraxyo ka dhacay wadada u dhaxeysa Magaalada Kismaayo iyo deegaanka Baar-sanguuni khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Jubbo Land.
Calamada.com