Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay maanta oo Arbaco ah weerar qorsheysan ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugan dèegaanka Buulo xaaji ee duleedka magaalada kismaayo ee wilaayada Jubbada hoose.
Weerar qorsheysan waxaa Allaah fadligiis maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland looga dilay saddex murtad, halka looga dhaawacay sagaal kale, ilaa laba qori ayay ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen.
Howlgalkan dagaalka tooska ah ee maanta ka dhacay duleedka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli howlgal qarax ah oo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho murtadiinta looga dilay 4 askari halka looga dhaawacay 3 kale.