Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay duleedka deegaan hoostaga degmada Buulo mareer ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Weerarkan qorsheysan waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Golweyn iyo Danow oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada Hoose,waxaa weerarkaasi lala beegsaday maleeshiyaatka dowladda Ridada Federaalka.
Inta la xaqiijiyay weerarkaas waxaa lagu dilay Labo askari oo ka tirsan Murtadiinta hal askarina waa lagu dhaawacay,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen oo ay soo qaateen Labo qori iyo Booshashkooda.
Xilliga weerarkan uu dhacayay waxey maleeshiyaatka dowladda Federaalka wadada isku xirta deegaanada Danow iyo Golweyn ka wadeen Dhac iyo Boob ay ku hayeen Gaadiidka iyo dadweynaha Safarka ah ee isticmaalaya wadadaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah askarta Shisheeyaha iyo kuwa Murtadiinta ee kabo qaadka u ah gaalada kusoo duushay dalka Somalia.
Calamada.com