Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe kaasi oo faahfaahin ay kasoo baxeysa.
Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah waxaa lala beegsaday Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada kuwaasi oo la socday Mooto.
Maleeshiyaatkan ayaa ku socdaalayay wadada isku xirta deegaanada Biyo cadde iyo Cali Fooldheere oo ah deegaano wada dhaca duleedka degmada Mahadaay.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan in weerarkaasi lagu dilay Labada askari ee ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta waxaana laga qaatay hal qori AK47 ah oo ay wateen.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli sarkaal sare oo ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo dhanka kalane sarkaal ciidan oo ka tirsan dowlada Farmaajo waxaa lagu dilay gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Calamada.com