Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen howlgal qarax ah, kaasi oo ka dhacay degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho, khasaare kala duwan ayaa maleeshiyada murtadiinta ah lagu gaarsiiyay.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay ugu yaraan laba askari oo murtadiin ah, si gaar ahna uga tirsanaa kuwa Boolis Militaaro loogu yeero, waxaana laga soo qaniimeystay 2 qori oo ay siteen.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka Kuffaarta xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, sidoo kale waxaa weerar culus lagu miray saldhigga murtadiinta ee Maaya fuulka magaalada Baydhabo.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen saldhigga murtadiinta ee degmada Ceelbarde iyo saldhigga murtadiinta ee degmada Waajid ee isla Bakool.