Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in weerar khasaare dhaliyay uu ka dhacay gudaha saldhig millitri oo ku yaala wadankaas, kaas oo ay leeyihiin ciidamada milliteriga Maraykanka.
Weerarka waxa uu sii gaar ah kaga dhacay saldhig lagu magacaabo Grand Forex oo ku yaala gobolka North Dekota, waxaana ka dhashey khasaare gaaray ciidamada Maraykanka.
War kasoo baxay taliska saldhiga uu weerarka ka dhacay ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 askari oo Ameerikaan ah ay ku dhinteen weerarka, kuwaas oo ay magacyadooda dib kasoo sheegi doonaan.
Waxaa la ogeyn cida sida rasmiga ah u fulisay weerarkan ka dhex dhacay saldhiga ciidamada Maraykanka, mana jiro war arinkaas ku aadan oo kasoo baxay wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka.
Weerarkan wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan weerar kan lamid ah uu ka dhex dhacay saldhig milliteri oo ku yaala gobolka Texas, kaas oo warbaahinta Maraykanka ay sheegeen in fuliyaha uu yahay qof muslim ah oo ku qancay afkaarta Al-Qaacidada.
Weerarka maanta oo Talaado ah ka dhex dhacay saldhiga ciidamada Maraykanka wuxuu kusoo aadayaa xilli banaanbaxyo xoogan ay ka dhacayaan wadanka Maraykanka, kuwaas oo looga soo horjeedo dilkii uu sarkaal booliis ah u geystay muwaadin madow ah oo lagu magacaabo George Floyd.