Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weerar qorsheysan ka fulay agagaarka deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo dhabba gal ahaa ayey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la beegsadeen Kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada oo halkaasi ku socdaalayay.
Inta la xaqiijiyay Kamiinkan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen Shan askari oo ka tirsan dowlada Ridada,waxeyna ku gubeen Hal gaari.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii Saddex-aad oo muddo Saddex Maalmood gudahood ah ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho waxaana weeraradaas oo idil lala beegsaday maleeshiyaatka dowladda Farmaajo.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.