Wararka laga helayo deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxey sheegayaan in afafka hore ee deegaankaasi uu ka dhacay weerar khasaara dhaliyay.
Weerarka ayaa yimid kamid markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weerar qorsheysan ku qaadeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Axmed Madoobe oo ku sugnaay afafka hore ee banaanka deegaankaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta Axmed Madoobe waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay Afar askari oo isla maleeshiyaatka Axmed Madoobe ah.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Labo askari oo Nasaarada Burundi ah lagu dilay tiro kalane lagu dhaawacay kadib qarax miino oo askarta Burundeyska lagula beegsaday agagaarka deegaanka Buurane duleedka degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com