Howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, ayaa lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan murtazaqada uu ku adeegto Imaaraadka carabta ee qaybta ka ah dowladaha duullaanka ashahaada la dirirka ah ku jooga Somalia.
Howlgalkan qaraxa ah, ayaa sidii loogu talagalay u beegsaday maleeshiyada Ridada ee loogu yeero (Boolis Militaaro) waxayna ilo wareedyo xog-ogaal ah Andalus u sheegeen in maleeshiyada la beegsaday ay ahaayeen kuwa lug ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa lagu dilay laba askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, waana qayb ka mid ah weerarada ciidan ee mujaahidiinta ee ka dhanka ah murtazaqada Imaaraadka ee ku sugan magaalada Muqdisho.