Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Galgaduud, waxay weerar kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ku socdaalayey duleedka deegaanka Masagawaay, halkaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Weerarkan qorsheysan ee dhabbagalka ah waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay ugu yaraan hal askari oo murtad ah, halka laga soo qaniimeystay qori iyo boosh uu watay askarigaasi murtadka ah.
Dhanka Baay, waxay mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhigga saliibiyiinta xabashida ay ka degganyihiin degmada Qansaxdheere, dagaal culus ayaana halkaasi ku dhexmaray mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Dhanka Gedo, waxay mujaahidiintu dagaallo culus ku qaadeen xerada ciidanka xabashida Itoobiya ee Airport-ka degmada Baardheere iyo saldhigga murtadiinta ee xarunta WFP ee degmada Garbahaarey.