Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee dhulka NFD.
Saldhiga ay ciidamada Mujaahidiinta weerareen waxaa uu ku yaalaa deegaanka Yuumbis oo u dhow magaalada Gaarisa, waxaana gebi ahaanba saldhiga lagala wareegay ciidamada Kenyaatiga.
Weerarka oo dhacay Saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Hub iyo Saanad Milliteri oo aad u fara badan ku furteen dagaalka, Askartii Kenyaatigana ay noqdeen kuwa dhintay iyo wax baxsaday.
Xarun ay shirkadda Safari com ku lahayd deegaanka ayaa gabi ahaan dhulka lala simay, Waxaana Xaruntaasi Ilaalo ka ahaa Askarta Saliibiyiinta Kenya ee ku sugnaay deegaankaasi.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ka fulineyso dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya, waxaana dhiig bax adag uu ku socdaa ciidamada Kenyaatiga.