Wararka ka imaanaya Istanbul ayaa xaqiijinaya in ruux hubeysan uu xoog ku galay goob lagu tunta oo xiligaasi ay ka dhacayeen dabaal degyada ciida Kirismiska.
Ugu Yaraan 35 qof ayaa ku dhintay 40 kalane dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray kadib markii weerar hubeysan oo lagu qaaday goob ay ku cawinayeen dad faasiqiin ah bartamaha magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Duqa magaalada Istanbuul Waasif Shaahen ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhintay weerarka 16 kamid ah ay yihiin ajaanib usoo dalxiis tagay wadanka Turkiga.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ruuxa hubeysan ee weerarka gaystay uu xoog ku galay xarun ay xiligaasi ka dhacayeen dabaal degyo kadibna uu toogtay mid kamida ciidankii ilaalada ka ahaa illinka goobta cawayska.
Dowladda Turkiga ayaa lacago malaayiin dollar ah sanad walba ka hesha dadka reergalbeedka ee usoo dalxiis taga magaalooyinka kala duwan ee wadankaasi.
illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay magaalada Istanbul waana weerarkii ugu horreeyay ee dhaca sanadda 2017.