Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo wajahday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada.
Weerarkan qorsheysan oo ay mas,uuliyadiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxaa lagu dilay hal askari waxaana lagu dhaawacay Saddex askari.
Maleeshiyaatka lagu dhaawacay weerarkan ayaa wararka la helayo waxey sheegayaan in dhaawacyadooda culusyihiin waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa weeraro joogta ah ka fuliya gudaha magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay la beegsadaan xubnaha dowlada iyo kuwa shisheeyaha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.