Deegaan dhaca duleedka degmada Galcad ee bariga wilaayada Galgaduud waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada Bangaraafta ee sida gaarka ah u hoostaga dowladda saliibiyadda Maraykanka.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa Andalus u xaqiijiyay in dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Guriyaalle ee duleedka Galcad lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada, waxaana dagaalka lagu gubay 2 gaari oo nooca Cabdibilaha ah, kuwaasi oo ay qoryo ku rakibanyihiin, halka sidoo kalana ay ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligii soo qaniimaysteen gaari Cabdibile ah oo uu qori ku rakiban yahay.
Saraakiisha ciidamada mujaahidiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaalkii maanta ka dhacay duleedka degmada Galcad lagu dilay maleeshiyaad fara badan oo ka tirsan murtazaqada Bangaraafta, ee uu ku adeegto Maraykanka.