Howlgal gaar ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen Ex control Balcad ayaa Allaah fadligiis waxaa lagu dhaawacay murtad Guurre Maxamad Xirsi, kaasi oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee maamulka Riddada xaafadda Daarusalaam ee magaalada caasimadda Muqdisho, waxaana laga soo qaniimeystay gaari nooca Baraadada ah.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ilaa laba weerar oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka degmada Ceelwaaq ee wilaayada Gedo, halkaas oo lagu dhaawacay 4 askari, halka ay goobta dagaal uga carareen ilaa saddex mooto.
Waxay howlgalladan millatari qayb ka yihiin weerarada Shabaabul Mujaahidiin sida maalinlaha ah ugu beegsadaan ciidamada qaybta ka ah isbahaysiga kuffaarta ATMIS iyo maleeshiyada Riddada ah oo ah kuwa saliibiyiinta ku garab taagan dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.