Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen wadada isku xirta deegaanada Muuri iyo Laanta-buure ee gobalka Shabeelada hoose.
Weerarka oo ahaa kamiin waxey ciidamada Muslimiinta u dhigeen gaari ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada federaalka’iyadoona weerarkaasi dhabba galka ah khasaara lagu gaarsiiyay dowlada federaalka.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay saddex askari oo maleeshiyaatka Murtadiinta islamarkaana lagu qaniimeystay gaarigii ay wateen oo ahaa nooca Kaaribta.
Gobalka Shabeelada hoose waxaa si xiriir ah kaga dhaca weerarada ay fulinayaan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka dhanka ah Kufaarta iyo Murtadiinta.
Calamada.com