Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saaka weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Bariire oo fariisimo ay ka sameysteen maleeshiyaatka Bangarafta ee Mareykanku tababaray.
Dagaalkan saaka ka dhacay deegaanka Bariire waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu gubay gaari Taw ah oo ay la haayeen maleeshiyaatka Ashahaadi la dirirka ee dowlada Nasaarada Mareykanku tababartay waxey warar hoose sheegayaan iney jiraan tiro askar oo Murtadiinta dhimasho iyo dhaawac kaga noqotay dagaalkaasi.
Maalintii shalay ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro saf ballaaran ah ay ku qaadeen deegaanada Mukayga iyo Bariire oo wada dhaca duleedka degmada Afgooye kuwaasi oo lagu dilay askar ka tirsan dowlada Ridada.
Calamada.com
Haduu gaalku taageeroo toos u qalabeeyo
Taw iyo haduu kaare iyo taangiyow dhiibo
Tawxiid nimaan lagu an qarin tiiri ma ahayne
Haku towbad seegina kufrigu waa tagahayaaye
Tareen aan xadiid lagu dul erin taako rogi mayne
Talo xumida qaar keedna waa lagu tasoo baaye
Taariikh nimaan layn ayaad taaj u xiray saane
Haku towbad seegina kufrigu waa taahayaaye
Ruuxii tacliin luhu marbay tiis u meel mariye
Waa tororog beeniyo khiyaal waxad ku taah daane
Kufri tuuga qaran tayo leh taabo galin mayne
Tiftif iyo basaas niman ahayn kama Tagaa yaane
Talyaanigi ku wuu shalay ka tagay taa uga qiyaaso
Ingiriis tafriqaduu ka tagay taa uga qiyaaso
Tawxiidka wiilashaa watow tuugta naafeeya
Tarab tarab u laayoo waryaan toona laga reebi
Iyagaa kufriga taaciboo taakulayn gaale
Tirtiroo dameeyoo warmaha toos u qabad siiya
Tareesada ku guba oo jaroo tiigsi ugu booba