Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala Banaadir, ay caawa ka fuliyeen gudaha caasimadda ayaa lagu khaarajiyay giddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Riddada ah ee degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.
Howlgalkan qorsheysan oo si gaar ah uga dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayay mujaahidiintu Allah fadligiis ku dileen murtad lagu magacaabi jiray Gaabow Buulle Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda maamulka Riddada ah ee ee degmada Awdheegle ee Sh/hoose.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii howlgal qorsheysan oo ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye ay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsan maleeshiyada Duufaan ee ka tirsan sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya ee NISA, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Ismaaciil Daahir.