Rag hubeysan waxey deegaan ka tirsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ku weerareen askar ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee degmada Lafoole waxaa lala beegsday Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.
Ragga hubeysan ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogtay labada askari taasi oo sababtay in mid ka mid ah goobta ku dhinta halka midka labaad isagoo dhaawac ah goobta laga qaaday.
Goob-joogayaal goobta ka agdhawaa waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in ragga dilka geystay horay usii qaateen Qori AK47 ah oo uu ku hubeysnaay mid ka mid ah labadaasi askari.
Calamada.com