Wararka ka imaanaya waddanka Tanzaaniya ee dhaca bariga qaaradda Africa waxay sheegayaan in nin hubeysan uu weerar ku qaaday meel u dhow safaaradda faransiisku ku leeyahay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaaniya.
War kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha dalka Tanzaaniya waxaa lagu sheegay in nin hubeysan uu weerar toogasho ah ka gaystay bannaanka hore ee safaaradda dowaldda Faransiiska ee magaalada Daarusalaam halkaas na uu weerar yahanku ku toogtay askar iyo saraakiil ka tirsan dowladda dalka Tanzaaniya.
Ugu yaraan 4 ruux oo ay ku jiraan saraakiil boolis ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka sida ay baahinayso warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganaysa masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda saliibiyadda ah ee Tanzaaniya.
Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganayso ilo maxalli ah waxay xaqiijisay in askarta la dilay ay 2 ka mid ah ahaayeen saraakiil ka tirsanaa booliska dowladda iyo kuwa ammaanka waxayna intaas ku dartay in dagaalyahankii weerarka gaystay isagana goobta lagu toogtay.
Sawirro lagu baahiyay baraha ay bulshadu kuwada xiriirto waxay muujinayeen nin ku hubeysan qoriga AK47 oo toogasho ka gaysanaya bannaanka safaraadda Faransiiska ee caasimadda Daarusalaam taas oo ah mid ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.
Ilo masuuliyiin ah oo ka tirsan xukuumadda Daarusalaam waxay xaqiijiyeen in weerarka uu gaystay nin kasoo jeeda dalka Soomaaliya kaas oo ay sheegeen in sanadadii dambe uu ku noolaa dalka Tanzaaniya.
Safaaradda dowladda saliibiyadda Maraykanka ee dalkaTanzaaniya waxay soo saartay bayyaan deg deg ah oo ay muwaadiniinteeda ku farayso inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah sida ay sheegtay cabsi laga qabo weeraro hor leh oo ka dhici kara safaaraddeeda dalka Tanzaaniya.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com