Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saaka weerar culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ay kaga suganyihiin degmada Qansaxdheere ee wilaayada Baay, Halkaas oo dagaal culus oo in muddaa socday ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka murtadiinta.
Ilo wareedyo masuul ah waxay soo sheegeen in ciidanka Mujaahidiintu ay dhowr jiho ka weerareen xerada askarta Riddada ee degmada Qansaxdheere, Lamana soo sheegin haddii uu jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.
Sidoo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu qarax barakaysan la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta oo ku sugnaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo si gaar ah kaga dhacay Buundada wayn ee degmada Beledweyne waxay Mujaahidiintu la beegsadeen askar ka tirsan maleeshiyaadka DF, Lama hayo wax faahfaahin ah oo intaasi ka baxsan, Maadaama uu qaraxu dhacay xilli habeen ah.
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin howlgallada jihaadiga ah ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya laguna beegsanayo soo duuleyaasha saliibiyiinta ah iyo dabadhilifyadooda Soomaalida ee murtadiinta ah.