Wararka ka imaanaya dalka Al-jazaa’ir waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Weerarka waxa uu sigaar ah kaga dhacay gobalka Tebessa oo ah gobal dhaca Bariga dalka Al-jazaa’ir waana gobal ku yaala xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Tuunis.
Weerarka oo loo adeegsaday qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada maamulka daba dhilifka dalka Al-jazaa’ir kuwaasi oo ku socdaalayay agagaarka Mandiqadda Farkaan oo ka tirsan gobalka Tebessa.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa burburiyay mid ka mid ah gaadiidka dagaalka dowlada Al-jazaa’ir waxaa sidoo kale qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqday gabi ahaan askartii iyo saraakiishii la socotay gaarigaasi.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islaam ayeey ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkan ka dhacay Bariga dalka Al-jazaa’ir.
Weerarka waxaa si gaar ah u fuliyay Katiibada Al-fatxul Mubiin oo ah Katiibo taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islaam.
Halkan Hoose Ka Akhriso Bayaanka Mujaahidiinta.
Calamada.com