Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in weerar lagu qaaday saldhig maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen duleedka magaaladaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen saldhiga maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland ay ka sameysteen deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxeyna warar hoose sheegayaan in tiro ka tirsan maleeshiyaatka Puntland dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dagaalkaasi.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli Labo maalin ka hor qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay Cali Magafe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka gaala raaca Puntland.
Calamada.com