Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Weerarkan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka Shariif Sakiin ay dhigteen deegaanka Makuudo oo ku dhaw Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Isbaarada iyo guud ahaan deegaanka,iyadoona maleeshiyaatkii Murtadiinta ee ku sugnaay deegaanka oo cagaha furay ay u carareen dhanka magaalada Baydhabo.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta ay dab qabadsiiyeen Isbaarada iyo gaari Runeed ah oo maleeshiyaatka Amxaaro Kalkaalka ah goobta kaga carareen,waxeyna sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta soo qaniimeysteen hal Qori oo AK47 ah.
Calamada.com