Wararka ka imaanaya dalka Gabon ayaa sheegaya inuu dalkaas ka dhacay weerar lagu qaaday muwaadiniin reer galbeed ah, oo halkaas ku yimid booqasho dalxiis.
Labo ruux oo kasoo jeeda dalka Denmark una shaqeynayay tvga National Geographic, ayaa lagu dhaawacay magaalada Libreville ee caasimadda dalka Gabon.
Mid kamid ah labada nin ee dhaawacmey waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii dhowr meelood ay ka gashey mindi uu watay ruuxa weerarka fuliyay.
Booliiska Gabon waxay sheegeen in ruuxa weerarka fuliyay uu kasoo jeeda Naijeeriya, 19 sannaa uu deganaa dalka Gabon, isagoo ku dhawaaqaya Allaahu Akbar ayuu fuliyay weerarkan.
Wuxuu sheegay inuu kasoo horjeedo, weerarkana uu fuliyay isagoo ka jawaabaya dhibaatada ay dowladda Maraykanka ku heyso muslimiinta caalamka, iyo go’aankii dhawaan Trump uu ugu aqoonsaday Al-Qudus caasimadda Yahuudda.