Weerar culus oo khasaaraha kala duwan lagu gaarsiiyay milatariga dowlada kenya waxa uu ka dhacay deegaan ka tirsan jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen xero ciidanka milatariga saliibiyadda Kenya ay kaga sugnaayeen tuulada Maay-gaay ee gobalka Lamu.
Wararkii ugu dambeeyay waxey xaqiijinayaan iney jirto khasaara kala duwan oo saliibiyiinta kenya lagu gaarsiiyay weerarkaas.
Maalmo ka hor ayey aheed markii weerar lagu dilay afar askari oo ka tirsanaa ciidanka keydka ee dowladda saliibiyadda Kenya ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala tuulada Afcad oo u dhaxeysa deegaanada Tarbaj iyo Warguduud ee gobalka Wajeer oo qeyb ka ah dhulka Kenya xooga kaga heysato soomaaliya.
Calamada.com