Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in caawa fiidkii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar ka fuliyeen gudaha magaaladaasi.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weeraray Bar-controol oo maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen agagaarka xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee magaaladaasi.
Weerarkan ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan’wali lama xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka Puntland kasoo gaartay weerarkaasi.
Weerarkan ayaa imaanaya saacada kadib markii tiro ka tirsan maleeshiyaatka Puntland dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen weerar madaafiic ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen saldhiga Puntland ee deegaanka Af-urur oo dhaca duleedka magaalada Boosaaso.
Calamada.com