Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe waxey xaqiijinayaan in weerar khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka Murtadiinta uu ka dhacay duleedka degmadaasi.
Weerarkan oo ah mid qarax ah waxaa loo dhigay oo lala beegsaday Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada kaasi oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Golaley Daa,uud ee duleedka degmada Balcad waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen iney arkeen Saddex askari oo maleeshiyaatka dowlada kaga dhaawacantay qaraxa waxaa sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii Cabdi bilaha ee miinada ay haleeshay.
Inta badan wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe waxaa ka dhaca weeraro culus oo u badan qaraxyo iyo Kamiino kuwaasi oo lala beegsada ciidamada Kufaarta Burundi iyo maleeshiyaatka daba dhilfyada u ah shisheeyaha soo duulay.
Calamada.com