Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee dowladda Kenya gummeysato ayaa sheegaya in weerar hor leh oo ciidamada Al Shabaab ay qaadeen uu sababay khasaara aad u xooggan.
Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa weeraray deegaanka Galmagala oo hoos yimaad degmada Gaarisa ee gobolka loo yaqaan Waqooyi Bari.
Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa burburiyay xaruntii shirkadda Safaaricom oo ah shirkad isgaarsiineed oo ay leedahay dowladda Saliibiyadda Kenya, ciidamo Boolis Kenyaan ah oo ilaala ka hayay xarunta shirkadda ayaa isaga firxaday deegaanka Galmagala daqiiqadib markii uu weerarku billaawday.
Warbaahinta Maxalliga Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay in gabi ahaanba xaruntii shirkadda iyo agabyadii yiillay ay gubteen islamarkaana kumanaan qof deegaanka ah ay isgaarsiin la’aan yihiin.