Wararka laga helayo gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in weerar qorheysan uu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobalkaasi.
Weerarkan oo ahaa mid Dhabba gal ah waxaa loo dhigay Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka dowlada Ridada kaasi oo ka baxay degmada Balcad kuna sii jeeday magaalada Jowhar.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in gaariga Cabdi Bilaha oo Shabaq ah uu ka baxsaday goobta Kamiinka waxeyna warar hoose sheegayaan in gaariga uu la baxsaday meydadka iyo dhaawacyada tiro askar ah.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta ay dul tageen meydka mid ka mid ah askartii Muratdiinta kaasi oo isagoo gaariga saaran ay haleeshay Risaasta Mujaahidiinta kadibna uu dhulka kusoo dhacay isagoo Meyd ah.
Sidoo kale Andalus waxey intaasi raacisay in Ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen Qori Nooca PKM-ka ah kaasi uu ku hubeysnaay askariga Meydka ah ee lagu dilay weerarkaasi Kamiinka ah.
Calamada.com
masha allaah guul mujaahidiinta islaamka