Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen isbaarada maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen deegaanka Mukayga ee duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose.
Goobta weerarka uu ka dhacay waxey isbaaro u tahay maleeshiyaatka dowlada waxaa goobtaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo dhex maray ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo maleeshiyaatka dowlada.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in dagaalka markii muddo kooban socday ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka.
Sidoo kale deegaanka Mukayga ayaa lagu arkay meydka hal askari oo maleeshiyaatka dowlada ah waxeyna ciidamada Mujaahidiinta gacanta ku dhigeen agab ciidan oo askarta Farmaajo goobta kaga carareen.
Dhanka kale ciidamada Muslimiinta waxey weerar qorsheysan ku qaadeen saldhiga iyo difaacyada maleeshiyaatka dowlada ay ka sameysteen deegaanka Bariire ee gobalka Sh/hoose waxaa halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Saaka ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul weerar qorsheysan ay ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada ay dhigteen duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada dhexe,weerarkaasi oo lagu dilay Lix Askari oo maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo sidoo kale laga furtay Lix qori oo ay ku hubeysnaayeen.
Calamada.com