Wararka ka imaanaya deegaanka Baarsan-guuni ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka dagaal xooggan lagu qaaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay dhowr jiho ka weerareen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee Baarsan-guuni waxaana lasoo sheegaya khasaare kala duwan oo weerarkaasi ka dhashay.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanku waxa uu dagaalku ahaa mid xooggan oo la is dhaafsanayay hubka culus iyo midka fudud waxaana ay Mujaahidiintu jireen difaacdyada maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe.
Inta la ogyahay waxaa dagaalkii saaka ka dhacay Baarsanguuni ku dhaawacmay 3 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii weerarka lagu qaaday, waxana sidoo kale lasoo tabinayaa inay jiraan khasaare dhimasho oo maleeshiyaadka soo gaaray.
Calamada.com
Asc had bad umahad santihiin