Wararka ka imaanaya dhulka Muslimiinta Falistiin ee Yahuuda xooga ay ku heysata waxey sheegayaan in saaka aroortii weerar uu ka dhacay qeybo ka mid ah Muxaafadada Al-khaliil.
Weerarkan oo sigaar kaga dhacay deegaan ku yaala dhanka Waqooyi ee Al-khaliil waxaa fuliyay Wiil Dhalinyaro Falistiini oo Kaligii Duul ah kaasi oo beegsaday dad Yahuud ah oo ku sugnaay deegaankaasi.
Weerarkan ayaa isugu jiray Gaari Jiirsiin iyo mid Toorey ah waxeyna wararka la helayo sheegayaan in Wiilka Kaligii duulka ah uu gaari jiirsiiyay Labo ruux oo Yahuud ah kuwaasi oo dhaawac soo gaaray.
Kaligii duulka ayaa markii dambe Toorey ku weeraray Sarkaal Yahuud ah oo goobta ka agdhawaa balse inta uusan Tooreyda ku dhufan waxaa rasaas kusoo furay askar Yahuud ah oo goobta soo gaartay taasi oo sababtay in Kaligii duulka uu dhaacmo ugu dambeyntiina uu dhaawaca u Shahiiday daqiiqado kadib.
Sarkaal u hadlay maamulka Yahuuda ee xooga ku heysta Dhulka Muslimiinta Reer Falistiin ayaa qiray in weerarka uu jira iyo in weerarkaasi lagu dhaawacay Labo ruux oo Yahuud ah oo mid ka mid ah dhaawaciisa aad u culusyahay.
Calamada.com