Wararka ka imaanaya magaalada Kaabul ee caasimada dalka Afghanistan waxey sheegayaan in weerar Naf hurnimo ah uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaaladaasi.
Camaliyaddaan Istish-haadiyada ah ee ka dhacday degmada Qarah-Baag oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee Kaabul waxaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan Nasaarada Mareykanka oo taagneed wadada dhinaceeda.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan laguna baahiyay Baraha Imaaradu ay ku leedahay Interneedka ayaa lagu xusay in Camaliyaddaan uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Istish-haadigan oo lagu magacaabo AL-mujaahid Xaafid Muxamed Ilyaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Wilaayada Lugmaan ee dhacda Bariga Afghanistan ayaa bartamaha ka galay kolanyada American-ka ah isagoo xiran suunka Qarxa.
Qoraalka Imaarada ayaa lagu xusay in Camaliyaddaan Istish-haadiyada ah lagu dilay Lix Askari oo American ah tiro kalane lagu dhaawacay,waxa uu weerarkan kusoo aadayaa xilli Maalmihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan oo ka dhacay gudaha Afghanistan lagu dilay askar fara badan oo American ah.
Calamada.com