Wararka ka imaanaya Gobalka Amxaaradu dagta ee dalka Itoobiya waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi uu ka dhacay weerar lagu dilay askar ka tirsan xukuumada Tigreega ee xooga ku heysata dalkaasi.
Weerarkan oo ahaa mid dhabba gal ah waxaa loo dhigay kolanyo ka tirsan askarta Xukuumada ADDIS ABABA kuwaasi oo ku socdaalay deegaan dhaca dhanka Waqooyi gobalka Axmaarada ee dalkaasi.
Kamiinkan waxaa dhigay kooxaha hubeysan ee kacdoonka ka wada dalka Itoobiya waxeyna kamiin u dhigeen gaari Xamuul ah oo askarta Xukuumada Itoobiya ay la socdeen.
Tiro askar ah oo ka tirsan xukuumada Tigreega ayaa baqti iyo dhaawac ku noqday weerarkaasi dhabba galka ah,waxeyna saraakiisha Kocdoonka sheegeen iney fashiliyeen duulaan ay diyaarineysay xukuumada Tigreega.
Dalka Itoobiya waxaa ka socda kacdoonka lagu doonaya in xilka looga tuura xukuumada kaligii taliska Tigreega ah ee mudada dheer maamuleysa dalkaasi.
Calamada.com