Waxaa sii kordhaya khasaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay weerar dhabba gal oo loogu dhigay wadada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Dadka deegaanka waxey warbaahinta u xaqiijiyeen in kamiinkaasi lagu gubay Saddex gaari oo kala ah Taw,Booyad iyo gaari Xamuul ah kuwaasi oo labo ka mid ah ciidamada Muslimiinta la heleen garneelada garbaha laga rido halka midka saddexaadna ay la kacday miino dhulka lagu aasay.
Sidoo kale dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in la arkay meydadka Todobo askari oo Burundeys ah kuwaasi oo lagu dilay weerarkaasi dhabba galka ah.
Kamiinkan ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay,waxeyna ciidamada Burundi gaariga Xamuulka ee miinada ay la kacday kaga carareen goobta kamiinka uu ka dhacay oo ah agagaarka deegaanka Ceel-geelow oo hoostaga degmada Balcad.
Calamada.com