Wararka ka imaanaya gobalka Kaabul ee dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah gobalkaasi ka dhacay weerar dhabba gal ah oo loo dhigayo kolanyo ka tirsan ciidamada maamulka daba dhilifka Kaabul.
Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Rowjaan oo ah deegaan dhaca duleedka degmada Khaak-Jabaar oo ka tirsan gobalka Kaabul.
Webseysdka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in kamiinkaasi lagu gubay Labo iyo Toban gaari oo isugu jirta gaadiidka Gaashaaman iyo noocyada kale ee dagaalka.
Sidoo kale kamiinkan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday inka badan Shan iyo Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashraf Gan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay Todobo gaari oo noocyada dagaalka waxey sidoo kale nolasha ku qabteen hal askari oo qeyb ka ahaa kolanyadii kamiinka loo dhigay.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in kolanyada kamiinka loo dhigay Zaanad ciidan ay kasoo qaadeen magaalada Kaabul kuwaasi oo ku sii jeeday Zaanada ciidane u waday maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan ee ku go,doonsan degmada Azrah ee gobalka Lowjar.
Dhanka kale weerar Labaad oo dhabba gal ah ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Maaheybar oo ka tirsan gobalka Kaabul kaasi oo lagu gubay Labo gaari oo noocyada dagaalka ah,waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shan isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Kaabul kuwaasi oo uu ku jira taliyihii watay kolanyada kamiinka loo dhigay.
Labadan weerar ee dhabba galka ah ee ka kala dhacay duleedyada deegaano ka wada tirsan gobalka Kaabul waxey qeyb ka yihiin howlgalka Al-mansuuriyah ee dhowr bilood ka hor ay ku dhawaaqday Imaarada Islaamiga Afghanstan.
Calamada.com