Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay xalay weerar culus oo toos ah ku mireen xerada ciidamada saliibiyiinta Xabashida Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Diinsoor ee wilaayada Baay.
Weerarka ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, faahfaahin rasmi ah lagama helin khasaaraha gaaray saliibiyiinta xabashida, ciidamada mujaahidiinta ayaa howlgalka kaddib si nabad galyo ah ugu soo laabtay halkii ay ka duulaan tageen.
Dhanka Sh/dhexe, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar abaabulan ku qaadeen saldhigga ciidamada Kuffaarta Burundi ee deegaanka Buurane ee hoostaga degmada Mahadaay, hubka noocyadiisa kala duwan ayaana la isku adeegsaday dagaalkaasi.
Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli weerar saacadihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud murtadiinta looga dilay laba askari, halka afar kalena looga dhaawacay, laba qorina ay mujaahidiintu kusoo qaniimeysteen.