Rag hubeysan waxay weerar ku qaadeen dhismaha safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga.
Wararka la helayo waxay xaqiijinayaan in rag watay gaari nooca raaxada ah ay rasaaseeyeen afaafka hore ee xarunta safaaradda Maraykanka.
Shan xabadood illaa iyo afar ayay ku rideen safaaradda, waxaana mid kamid ah rasaastaas ay ku dhacday muraayadaha dhismaha taas oo keentay iney burburto miraayadda.
Ciidamada Amaanka ayaa la sheegayaa iney wadaan baaritaanno lagu raadinayo raga weerarka geystay, welina majirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Turkiga.
Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli khilaafaad xoogan uu u dhexeeyo dowladaha Turkiga iyo Maraykanka.