Ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Baay waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo madaafiic ah ku beegsadeen saldhigga ciidamada nasaarada xabashida Itoobiya ee degmada Qansaxdheere.
Ilo wareedyo ka tirsan saraakiisha ciidamada mujaahidiinta ayaa Radio Andalus u xaqiijiyay in Allaah fadligiis ilaa 9 madfac ay mujaahidiintu ku dhufteen saldhigga ciidamada xabashida, waxaana la xaqiijiyay inay ku wada dhaceen gudaha xerada saliibiyiinta ee degmadaasi.
Maalin ka hor ayay ahayd markii howlgal qarax ah oo ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ay ka fuliyeen gudaha guri uu degmadaasi ka deganyahay sarkaal murtad ah oo lagu magacaabo Sanka ay ku dhinteen laba askari oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Macalin Cali iyo Maxamed Nuur.